Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Sawiro:-Shir Dawladaha Puntland iyo Jubbaland uga furmay magaalada Kismaayo.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey ee tagay magaalo madaxda maamulkaJubba-land ee Kismaayo  ayaa maanta 04 March ,2015 kulan muhiim ah ku yeeshay aqalka Madaxtooyada Jubba-land ee magaaladaas.

Qaybtii hore ee kulanka waxaa si wada jir ah u shir gudoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Jubba-land Axmed Max’ed Islaan “Axmed Madoobe” , waxaana shirku intuu socday looga wada hadlay qodobo muhiim u ah xiriirka laba dhinac iyo horumarka dalka oo dhan.

1. Xagga Siyaasadda.

Labada Dawladood waxay ku heshiiyeen in aragti isku mid ah laga yeesho
Hiigsiga 2016 ee Soamlia, lana dar-dargeliyo nidaamka federaalka Somalia.

2. Arrimaha Amniga.

Waxaa lagu heshiiyay in si wada jir ah loola dagaalamo kooxda
Al-shabaab Iyo in ciidamada Police-ka lagu tababaro Kulliyada Tababarada Ciidanka Police-ka ee Carmo.

3. Xoojinta Xiriirka Ganacsi ee Puntland Iyo Jubbaland.

Waxa sidoo kale la isla soo qaaday in la xoojiyo ganacsiga Ka dhexeeya
Puntland iyo Jubbaland.

4. In Jubbaland laga Caawiyo Dhisidda Hay’adaha Dawladda.

Waxaa shirku intii uu socday lagu heshiiyay in Dawladda Jubba-land laga Caawiyo dhisidda iyo kobcinta hay’adaha kala duwan ee Dawladda Jubbaland.

Qaybtii danbe ee shirka waxaa isu soo haray xubnaha golayaasha Dawladaha Puntland iyo Jubba-land iyagoo si faah-faahsan uga hadlay qodobadii ajandaha ku qornaa ee shirku ku saabsanaa.

Shirku markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiiro ka tirsan Dawladaha Puntland iyo Jubbaland waxayna sheegeen in si qota dheer la isula qaatay qodobadii laga wada hadlay oo dhan, kuwaas oo ay ugu muhiimsanayd in la dar dargeliyo is dhaafsiga xogta iyo wada shaqaynta labada dhinac isla markaana loo diyaar garoobo barnaamijka hiigsiga cusub
ee 2016.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

IMG_5893 IMG_5895 IMG_5897 IMG_5901 IMG_5906 IMG_5910 IMG_5912 IMG_5931 IMG_5948 IMG_5952 IMG_5956 IMG_5971 IMG_6008 IMG_6129 IMG_6152 IMG_6180 IMG_6182 IMG_6188 IMG_6205 IMG_6223 IMG_6242 IMG_6249 IMG_6266 IMG_6267 IMG_6274 IMG_6276 IMG_6281 IMG_6287 IMG_6288 IMG_6290 IMG_6298 IMG_6323 IMG_6346 IMG_6965 IMG_6971 IMG_6989 IMG_6993 IMG_7008 IMG_7018 IMG_7024 IMG_7057 IMG_7075

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles