Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Shir Madaxda Puntland iyo Jubbaland uga furmay magaalada Kismaayo.

$
0
0

Shir laba geesood ah ayaa Madaxda Jubbaland iyo Puntland uga furmay magaalada Kismaayo,waxaana shirka goob joog ka ah Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda labada Dawladood.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda Puntland ayaa Warsidaha Puntlandi u sheegay in shirka looga wada hadlayo arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay;-

1-Dardargalinta Nidaamka Federaalka,Kor u qaadida Xiriirka ehelnimo,walaalnimo iyo Dawladnimo ee Puntland iyo Jubbaland,ka qayb qaadashada hormarka iyo Midnimada umada Soomaaliyeed iyo qodobo kale.

Shirka oo Saxaafaddu ay bannaan joog ka tahay ayaan la shaacin mudada uu socon doono,hasa yeeshe waxaa la filayaa in War-murtiyeed ay u dhan yihiin labada Dawladood ay soo saaraan gabagabada shirka.

Puntland iyo Jubbaland ayaa qayb ka ah Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka,waxaana shirka Kismaayo uga furmay uu noqonayaa shirkii ugu horeeyay ee Kismaayo ay ku yeeshaan Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Shalay ayay ahayd markii Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’,Wasiiro,Xildhibaano iyo Waxgarad ay gaareen Kismaayo,waxaana soo dhowayn balaaran ay kala kulmeen Madaxda iyo dadweynaha Jubbaland.

Hanaga fogaan Akhriste si aad u hesho Xogtii ugu dambaysay.

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles