(Pi Brussels) Taliyaha xilka kasii dagaya ee howlgalka tababarada Midowga Yurub ee Soomaaliya General Massimo Mingiard, ayaa sheegay in lagu guul daraysandoono tababarada ciidamada Soomaaliya haddii uusan Maraykanka iyo Midowga Yurub samaynin balan qaad dhaqaale.
General Massimo Mingiardin oo ah sargaal u dhashay wadanka Talyaaniga ayaa sheegay Barnaamijka tababarka ciidamada inuu wajahayo qalab la’aan baahsan, oo ay kamid tahay qalabka ciidanka iyo Wasaaradda Difaaca oo hortaagan shaqada ergada, taasoo hoos u dhigaysa natiijada wax ku oolka ah.
Taliyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay lacag dhan 2.5 million oo Yuuro ah oo uu Midowga Yurub sanadkaan balanqaaday in loo isticmaalidoono helitaanka agabka militari oo aan wax dilin sida dharka ciidanka iyo lagu dhiso xeryo.
Wuxuu sheegay General Massimo helitaanka dhaqaalahaan inay ka caawinayso kalsoonida iyo heerka nolosha asaasiga ah ee ciidamada dhawaan la tababaray.
Howlgalka tababarada ciidamada Soomaaliya oo soo bilowday sanadkii 2011 ayaa loogu talo galay inuu dib u dhis ku sameeyo ciidamada Soomaaliyeed si awooda ugala wareegaan ciidamada Amisom oo taageero maleteri siiya dowladda Soomaaliya.
Puntlandi.com-Brussels