Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Maxkamad kutaala dalka Spain oo 16 sano ku xukuntay 6 burcadbadeed Soomaali ah.

$
0
0

Maxkamad kutaala dalka Spain ayaa xukun mid 16 sano ah ku riday 6 nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay weerareen doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalkaas sanadkii 2012, taasoo maraysay xeebaha Soomaaliya.

Weerarka raggaan ayaa guul daraystay kadib markii ilaalada doonida ay xabado ku fureen burcadbadeeda, waxaana kadib gacanta ku dhigay markab dagaal oo laga leeyahay dalka Holland, kaasoo ka qeyb qaadanayay  howlgalka ka dhanka ah burcadbadeeda, iyagoo markii dambena ku wareejiyay xukuumada Spain.

Maxkamada ayaa diiday isdifaacida raggaan, iyagoo sheegay inay ahaayeen kalluumaysato markii la xirayay.

Xukunkaan oo dhacay arbacadii ayaa noqonaya markii saddexaad oo maxkamad kutaala dalka Spain ay xukun ku rido burcadbadeed Soomaali ah. Sanadkii 2011 ayay ahayd markii labo nin oo Soomaali lagu riday xukun dheer kadib ay markii afduubteen markab iyagoo madax furasho u haystay 47 cisho.

Sidoo kale sanadkii 2013 maxkamad kutaala dalka Spain ayaa xukun u dhexeeya 8-12 sano ku xukuntay rag burcadbadeed ah oo  weeraray markab dagaal oo marayay xeebaha Soomaaliya.

Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512