Warar hoose oo Puntlandi heleen ayaa xaqiijinaya in Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake uu Xukuumadiisa soo bandhigi doona habeynka Axada ama subaxa Isniinta.
Sida aan Wararka ku helnney Xukuumadii u dambeysey ee Raysal wasaaruhu soo bandhigey ayaa ugu yaraan sadex Wasiir waxay waayi doonaan Xilkooda waxaana Golaha Xukuumada lagaarsiinayaa 25 ama 26 Wasiir.
Sida ay Puntlandi xogta ku hayaan Wasiirada qaarkood waa la isku shaandheynayaa oo Wasaaradahaa loo kala badalayaa, waa Wasiiradii u dambeeyey ee Raysal wasaaruhu soo bandhigee.
Sida Puntlandi warar hoose ku heleen Raga lagala noqonayo magaacibista waxaa ka mid ah
1–Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta
2–Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka.
3–Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka
Waxaa osna la hadal hayaa in dib looga noqon doono Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta
Golihii Wasiirada ee u dambeeyay ee uu Raysal wasaaruhu soo bandhigey waxaa ka filayaa iney kasoo laabtaan dhowr iyo toban, toboneeye cusubna waa lagusoo kordhinayaa.
Shirka hada uga socda Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dowladaha hoos taga federaalka ayaa isna qayb ka ah wadatashi la xiriiea dhismaha Xukuumada cusub.
Puntlandi.com
Muqdisho