Kooxo hubaysan ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ku dilay EEBE ha u naxariistee Sheekh Xuseen Sheekh Xasan Soor-ma-dare,oo ka mid ahaa Culumada ugu caansan Baydhabo.
Dilka ayaa yimi ka dib markii Kooxo hubaysan ay ugu galeen Masjid uu Imaam ka ahaa,ka dibna ay la dhaceen Rasaas,waxaana Marxuumka ay Naftu kaga baxday gudaha Masjidka.
Kooxaha dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dhacdadan ay noqotay mid si wayn looga hadal hayo Baydhabo.
Afartan maalmood ka hor ayay ahayd markii Sheekh lagu magacaabi jiray Sheekh Shariif Sayidkay,ay kooxo hubaysan ku dileen Baydhabo.
Beegsiga Culumada ayaa kuso badanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,mana jirto cid loo qabtay falalka isxigxigay ee ka dhacay Baydhabo.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda War cad kaso saarin dilalka Shuyuukhda ee ka dhacaya Baydhabo.
www.puntlandi.com.