Shir looga hadlayay Ka-hortaga Xaalufka oo ka qayb galeen Maamulka degmada Dangorayo,Maamulka degmada Qardho iyo Guddiyada Sagaal deegaan oo ka kala tirsan Gobolada Nugaal iyo Karkaar,ayaa ka dhacay deegaanka Xaaji Khayr ee Gobolka Karkaar.
Guddoomiyaha degmada Qardho Maxamed Siciid Hogaama oo ka hadlay shirka,ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si wada jir ah la isaga kaashado illaalinta deegaanka.
‘’Muhiimaduwaa innaan garanaa danteena,waa hormar,Ilbaxnimo iyo Dawladnimo inaad dantaada garato,waxaan garanay inay danteenu ku jirto inaynu Dhaqaalaysano Deegaankeena’’Ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qardho.
Maxamed Siciid ayaa sheegay inuu rajaynayo in degmooyinka Qardho iyo Dangorayo ay tusaale wannaagsan u noqdaan degmooyinka kale ee Puntland.
Guddoomiyaha degmada Dangorayo oo mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay kulanka,ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay iska kaashadaan ka hortaga xaalufka iyo illaalinta deegaanka.
Qaar ka mid ah Waxagardka ka qayb galay kulanka ayaa ku baaqay in gacan bir ah lagu qabto qofkii ama Kooxdii isku dayda inay xaaluf ka samayso Dhulka.
Dawlada Puntland ayaa ka digtay in la xaalufiyo deegaanka,waxaana cidii lagu qabto iyada oo xaalufinaysa deegaanka ay Dawlada Puntland horay u sheegtay inay mutaysanayso Ganaax iyo Xabsi adag.
Hoos Ka Dhagayso Codadka shirka,kana Daawo Sawirada;-
www.puntlandi.com.