Socdaalkaan ayaa madaxweyne ku xigeenku waxaa uu ugu kuur galayay xaalada tuuladda Banyaal iyo cabashooyin kasoo yeeraysay bulshada deegaanka oo ka sheeganayay inuusan soo gaarin adeegga dowliga ah ee maamulka.
’Waa markii 2-aad oo aan imaado Banyaal,markii hore Nabadgalyo ayaan u socday waan xasuusnahay,tii-hore kuma guuldaraysane waan ku guulaysatay,Maxamed Cabdi Xaaji markii uu yimi Banyaal malaha Buuhoodle ayuu u socdayl,laakiin waxaan kaga gadisanahay annigu Banyaal ayaan u socday’’.Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Daw;ada Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu socaalkiisu qeyb muhiim ah ka yahay sidii uu wax uga ogaan lahaa xaalada dhaqan dhaqaale ee bulshada iyo sidoo kale inuu caalamku ogeysiiyo inay Puntland maamusho dhul badan oo ay Soomaaliland sheeganayso gacan ku hayantiisa.
Wuxuu Madaxweyne ku xigeenku balanqaaday inay xukuumadu qabandoonto wax kasta oo lagu taageerayo kor uqaadida kaabayaasha bulshada ee deegaanada uu booqday ee kuyaala gobolka Cayn.
Si kastaba ha ahate,Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland ayaa si habsami leh u wada socdaalka uu ku marayo deegaano hoostaga Gobolka Cayn.
Halkaan ka dhageysi codka madaxweyne ku xigeenka.
