Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

DHAGAYS COD:-Culumada Puntland oo Cambaareeyay Aflagaadadii Jaraa’idka CHARLE HEBDO uu u gaystay Nabigeena Maxamed.

$
0
0

Culumada Puntland ayaa si wayn u cambaareeyay Sawir Gacmeed uu Jaraa’idka CHARLIE HEBDO oo fadhigiisu yahay dalka Faransiiska uu ku aflagaadeeayay Nabigeena Maxamed ‘’NNKH’’.

‘’Baryahan dambe waxaa Warbaahinta Caalamka waxaa haysta Duulaan ku socda Diinta Islaamka iyo Rasuulka uu EEBE uso dhiibay ee Nabigeena ahaa iyo Muslimiinta,duulaankaas oo salkdhig u ahaa Aflagaado ay si Sawir ah u muujisay Gaaladu,arrintan haddii laso ururiyo waa Colaadin,Weerar iyo Duulaan  ay Gaaladu ku hayaan Diinta Islaamka iyo Muqadasaadkeeda’’Sidaa waxaa yiri Sheekh Axmed Cabdisamad oo ka mid ah Culumada Puntland.

Sheekh Cabadiqani Qorane oo ka mid ahaa Culumada ka hadashay Aflagaadada Nabiga loo gaystay ayaa yiri‘’…Arrintatan guud ahaan Muslimiinta dhib iyo Xannuun ayay ku qabanaysaa,waxay tusaysaa laba arrimood,mida kuwaad;-Booska ay yaalan ee liita waaqicu uu ku khasbayo inay ka kacaan,tan labaad waa waxay muujinaysaa jawaabta saaran iyo xilka uso hoyday Aflagaadada Nabiga loo gaystay sida ay u wayn tahay jawabta laga sugayo.,waana arrin xannuun ku haysa qof kasta oo Muslim ah’’.

Sidoo kale Culumada Puntland ayaa ka hadlay waajibka saaran umada Muslimiinta ah meel kasta ay adduunyada ka joogaan.

Hoos Ka Dhagayso Codadka;-

www.puntlandi.com.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512