(Pi Addis ababa) Maxkamad kutaala dalka Itoobiya ayaa xukun u dhexeeya 4 ilaa 7 sano oo xarig ah ku riday labo nin oo dhalasho British ah heysta balse Soomaali ah iyo nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay abaabulayeen dambiyo argigixiso.
Saddexdaan nin ayaa la sheegay in lagu helay iyagoo ka qeyb galaya tababar malateri islamarkaana qorsheynaya inay weeraro argigixiso ka fuliyaan dalka Itoobiya.
Sida lagasoo xigtay laamaha amniga Itoobiya, saddexda nin ayaa lagu kala magacaabaa Cali Adros Mohammad, Mohammad Sharif Ahmed, iyo Mohammad Ahmed. Labada ugu horeysa ayaa la sheegay inay asalkooda yahay Soomaali balse ay haystaan dhalashada UK waana reer Lonndon halka qofka saddexaadna oo Soomaali ah uu ka yimid Hargeysa.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waayadaan dambe safka hore uga jira dadka aadka loogu adeegsado falal dambiyeedyo iyo falal argagixiso iyadoo maskaxda waxqaldan looga shubey, toboneeye Soomaali ah oo aad u dayar ayaa ku nafwaayay Dagaalada Siiriya kuwasoo waalidkood ka dhuuntay halka dhalinyarada Siiraya ay waalidkood kala qaxeen Dagaalada ka socda Siiriya, waxaana sida hubka loo adeegsadaa wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed.
Dhalinyaradaas qaarkood waxaa loo adeegsadaa iney Soomaaliya tagaan oo waxyeeleeyaan Danyarta Soomaaliyeed.
Puntlandi.com- Addis ababa