(Pi Nairobi) Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay bilowday adeegga ambalaaska hawada si loogusoo qaado ciidamada ammaanka ee ku dhaawacma dagaalada.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay adeegaan inuu yahay mid muhiim ah si loo hubiyo ciidamadu inay helaan daaweyn deg deg ah, Wuxuuna sheegay madaxweynuhu inay adeeggaan si gaar ah uga faa’idaysandoonaan ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.
Hindisahaan ayaa la filayaa inuu kor u qaado niyadda shaqaalaha ammaanka ee soo food saartay hanjabaado badan.
Qaar kamid ah ciidamada malateriga iyo kuwo booliska ayaa ugu dhintay dhiig bax ama fuuq bax meelaha fog fog ee Kenya sababo la xiriira dib u dhac ku yimaada xilliga isbitaalka la keeni lahaa.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay adeegaan heshiis kula gaartay bisha Cas iyo shirkada gaarka ah ee AMREF Flying Doctors si loo diro helicoptaro iyo gawaari sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiiya adeegaan caafimaad ciidamada.
Adeegga cusub ee geeddiga ayaa sidoo kale waxa loo soo bandhigayaa shaqaalaha rayidka ah, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya goobaha ammaanka meelaha miyiga ah oo la gayndoono xarumo caafimaad oo dhowr ah.
Kooda al-Shabaab ayaa kordhisay sanadihii ugu dambeeyay weerarrada Kenya. Bishii lasoo dhaafay Alshabaab waxay dileen 64 qof oo ay ku toogteen gobolka waqooyi bari ee Kenya.
Puntlani.com