Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Culimo ka tirsan Puntland oo siyaartay qabriga uu ku aasan yahay ALLA ha u naxariistee Sheekh Cabdul Qaadir Nuur Faarax.

$
0
0

(Pi Garoowe) Qaar kamid ah Culumaa’udiinka  Puntland ayaa siyaartay Qabriga uu ku aasan yahay ALLAHA unaxariistee Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Puntland, kaasoo 15-kii bishii labaad ee sanadkii 2013-ka gacan ka Xaq daran ay ku dishay magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland.

ALLAHa u naxariistee Sheekh Cabdul Qaadir Nuur Faarax ayaa xilliga la dilayay wuxuu ku jiray tukashada salaada Casar maalin Jimco ah, iyadoo wax yar kadibna ay suurto gashay in la qabto ninkii falkaan ka dambeeyay.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa kamid ahaa Culimada siyaaratay Qabriga marxuum Sheekh Cabdul Qaadir oo ku yaala  jihada waqooyi ee magaalada Garowe waxayna ALLE uga baryeen inuu siiyo naxariistiisa aakhiro.

Cabdulqaadir Nuur Faarax wuxuu ka mid ahaa Culumada qiimaha iyo qadarinta ku leh Soomaaliya,wuxuu ahaa Macalin wax soo baray Arday badan, Sheekha oo ay ka go’nayd fidinta Diinteena Suuban ee Islaamka.

EEBOW U NAXARIISO Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.

Sawirka booqashada;-

www.puntlandi.com.

10405637_750516225037994_6114804387937819982_n10891557_750516891704594_7821950315089988771_n

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles