Indonesia oo sheegtay diyaaradii bur burtay ee Asia Air inaysan haysan ogolaansho duulimaad.
Diyaaradii Indonesia Air ee dhawaan bur bur ayaa warar soo baxay waxay sheegeegayaan inaysan haysan ogolaansho duulimaad oo ay ku tagi lahayd magaalada Singapoor, taasoo sababtay inay shil gasho.
Wasaaradda gaadiidka dalka Indonesia ayaa shaacisay baaritaan buuxda waxayna joojisay dhammaan duulimaadka dalkeeda ee u dhexeeya labada magaalo ee urabaya iyo Singapore. waxayna sidoo kale sheegtay in la hubindoono duulimaadyada dalka si loo ogaado inay ka cabanayaan ogolaanshaha duulimaadka.
Kuuriyada waqooyi oo gardarro ku tilmaamtay cunaqabataynta Maraykanku ku riday shirkado iyo shakhsiyaad dalkeeda katirsan.
Waqooyiga Kuuriyada ayaa ku tilmaamay cunoqabataynta cusub ee uu Maraykanku uga jawaabayo weerarkii xaga internetka ee shirkada Sony Pictures inay qeyb ka tahay gardarada iyo siyaasada guracan ee Maraykanka.
Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn duldhigtay saddex hay’adood oo waqooyiga Kuuriya ka diiwaan gashan iyo 10 shakhsi kadib markii FBI-du ku eedeysay xukuumada Pyongyang weerarkii internet-ka Waqooyiga ayaa soo dhaweysay weerarka Sony Pictures , laakiin waxay beenisay inay wax lug ah ku leedahay weerarkaas.
Wuxuu kusoo beegmay iyadoo shirkada Sony lagu waday inay siidayso filin ku saabsanaa sirqool lagu dilayo madaxweynaha Kuuriyada waqoooyiga.
Sony Pictures ayaa qorshaynaysa inay joojiso filinkaan, kahor inta aysan go’aansan inay kusii dayso baraha internetka islamarkaana xadido tirada shaneemooyinka laga daawandoono.
Mid kamid ah caawiyihii weeraradii safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansania oo ku dhintay xabsi kuyaala Maraykanka.
Tuhmane katirsan Alqaacida oo lagu eedeeyay inay caawiye ka ahaa qorshihii sanadkii 1898 lagu weeraray safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansania ayaa ku dhintay magaalada Newyork isagoo ku jiray xasbi, sida ay sheegeen wiilkiisa iyo qareenkiisa.
Abu Anas al-Liby, soo magaciisa rasmiga ah uu yahay Nazih al-Ragye, ayaa ciidamada Maraykanku gacanta ku dhigeen bishii Actobar ee sanadkii 2013 isagoo ku sugan gudaha magaalada Tripoli ee dalka Libya waxaana la geeyay dalka Maraykanka si uu u wajaho eedeymo dambi oo lagu dilay 224 ruux.
Isagoo qadka taleefonka kula hadlayay wakaalada wararka ee Reuters, wiilkiisa oo lagu magacaabo Ahmed al-Ragye wuxuu Maraykanka ku eedeeyay dhimasada aabihiisa. “
Waxaan Maraykanka uhaysanaa inuu si sharci darro ah ku dilay Aabahey. Wuxuu qabay xanuunka Cancerka marki xabsga ku jira,” ayuu yiri Ragye.
Puntlandi.com