Agaasimaha guud ee Macdanta iyo Shidaalka Puntland Ciise Dhoola-waa ayaa Shir Saxaafadeed uu ku qabtay xafiiskiisa Bosaso wuxuu kaga Xogwamaray go’aan ay soo saartay Dawlada Puntland oo ku saabsan Macdanta iyo Shidaalka Puntland.
Go’aanka ay soo saartay Dawlada Puntland oo ka koobnaa Lix qodob ayaa qeexayay in Puntland ay dhowaan soo saari doonto Siyaasada guud ee Hormarinta iyo soo saarista Shidaalka Puntland,waxaana Puntland ay sheegatay inay soo dhowaynayso cid kasta oo danaynaysa inay Shidaal ka baarto Gobolada Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Dawlada Puntland ay u Madaxbannaan tahay barista Shidaalkeeda,waxaana digniin loo diray cid kasta oo isku dayda inay Xado Macdanta iyo Shidaalka Puntland.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo dhamaystiran;-
www.puntlandi.com.