(Pi Garoowe) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr, Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga ka jaray wado cusub ee laamiga ah ee loogu magacdaray Dr Jimcaale.
Wadadaan oo qeyb ka ah barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG ayaa gaaraysa 1km iyo 200m, waana wadadii 4-aad oo laami ah oo lagu dhiso muddo saddex sano gudaheed ah.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay wadadaan inay tahay mid ka tayo wanaagsan oo muhiim horumarka bulshada.
Wuxuu sheegay madaxweynuh inay dadaal xoogan ku bixindoonaan sidii meel walba oo katirsan Puntland looga sameyn lahaa wadooyin laami ah.
“ Bil walba haddaan furno wado dalku wuxuu yeelanayaa wadoouyinka,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynuhu.
Halkaan Hoose Ka dhageyso Khudbada Madaxweynaha Puntland;-
Puntlandi.com