Garowe(Puntlandi.com):- Shacabweynaha Soomaaliyeed ee ka mid ka ah Umada Muslimiinta ah ee Caalamkan aynu ku noolnahay ayaa kiu jira diyaargarawgii ugu dambeeyay ee la xiriira Munaasabada Ciidul-fidriga.
Deegaanada Puntland gaar ahaan Magaalooyinka waaweyn waxay ka mid yihiin meelaha ugu muhimsan ee dalka Soomaaliya sida weyn loogaga diyaargaroobay, waxayna dadweynuhu ilaa manta aad u soo buux dhaafiyeen suuqyada Dharka iyo Raashinka oo ay ka iibsanayaan dharkii Ciida iyo raashinkii ay ku bixin lahaayeen Ciidul-fidriga.
Dadweynaha suuqyada ka adeeganaya waxay inta badan wataan oo la socda Caruur farabadan oo suuqyada looga iibinayo Labiskii Maalinta Ciida ah ay xiran lahaayeen, waxayna Ganacsatadu suuqyada keeneen maalimihii ugiu dambeeyay alaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay ugu talagaleen Ciidan.
Hadii rabi idmo maalinta bari ah oo ku began 8 August ayaa la rajaynayaa in ay noqoto Maalinta Ciida, hadii ay suurgagasho in Caawa Bisha la arko la iskuna raaco in ay Ciid tahay.
Warbaahinta Puntland waxay idiin suurgalain doonta hadii alle idmo in ay idiin soo gudbiso warar Ciida.