Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawirro) Tartan kubadda cagta ah oo lagusoo gabagabeeyay garoonka Puntland Fitnes Center ee Garoowe.

$
0
0

(Pi Garoowe) Wasiirka  wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland Cabadiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle ayaa xalay soo gabagabeeyay tartan kubadda cagta ah oo loo qabtay kooxo ka socday dhallinyarada cuslaatay ee Garoowe ku sugan.

Tartankaan ayaa lagu qabtay garoonka casriga ah ee Puntland Fitness Ceneter waxaana ciyaartii ugu dambeysay wada dheelay labo kooxood oo ku kala ciyaarayay magacyada Hilaac electronic iyo warshada rootiga Kismaayo.

Gabagabadii ciyaartaan ayaa kusoo idlaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Hilaac electronic oo halkaas ku hanatay koobkii lagu tartamayay.

Xaflada lagusoo gabagabeynayay tartankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirka ciyaaraha, wasiir  ku xigeenka xanaanada xoolaha C/Weli Seed Cilmi, gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Qani Xaashi Cali, taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal gaashaanle Axmed C/laahi Samatar Layli iyo saraakiil ka socday wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaarahaPuntland.

Maamulaha garoonka Puntland Fitness Center C/Qaadir Cali Daahir (Julay) ayaa sheegay tartankaan inuu soo bilowday 22-kii bishii hore ee November, isagoo sheegay in  loo qabtay ilaa 10 kooxood oo kala duwan oo ku ciyaarayay magacyada shirkadaha ganacsiga eekuyaala gudaha Puntland.

Mulkilaha garoonkaan C/laahi Sheekh oo ka hadlay xaflada ayaa sheegay tartankaan inay ugu galeen sidii ay waqti usiin lahaayeen dhalinyarada cuslaatay si ay garoomada ugusoo laabtan oo ay u helaan jimicsi iyo jirdhis, Wuxuuna intaas ku daray inay mar walba diyaar u yihiin inay sii wadaan tartamada caynkaan oo kale si ay dhallintu niyada ugu hayaan isboortiga dalkooda.

Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka socday dowladda ee ka hadlay xaflada ayaa si isku  mid ah usoo dhaweeyay tartankaan waxayna aad ugu mahad celiyeen maamulka garoonka oo ay ku ammaaneen inay dhalinyarada u sameeyeen goob ay mudadaashaan oo ay kusoo bandhigaan xirfadahooda kubadeed, Waxayna intaas ku dareen in mustaqbalka dhow garoonkaan ay kasoo bixidoonaan ciyaartoy caalami ah oo waxtar uleh dalka.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada C/raxmaan Cabdulle le ayaa koobka gudoonsiiyay kooxdii ku guulaysatay ee Hilaac, waxaana sidoo kale abaal marino la gudoonsiiyay kooxda labaad ee tartanka iyo shakhsiyaad kale oo saamayn wanaagsan kulahaa tartank sida. laacibka tartanka, gool dhaliyihii tartanka, kooxda akhlaaqda iyo kuwo kale.

Waa tartankii labaad ee lagu qabto garoonka Fitnes tan iyo markii la aas aasay garoonkaan bishii Julay ee sanadkaan.

Halkaan ka daawo Sawirada.

DSC_0501 DSC_0502 DSC_0503 DSC_0505 DSC_0511 DSC_0512 DSC_0513 DSC_0515 DSC_0516 DSC_0518 DSC_0519 DSC_0520 DSC_0521 DSC_0525 DSC_0527 DSC_0529 DSC_0530 DSC_0534 DSC_0535 DSC_0536 DSC_0539 DSC_0540 DSC_0541 DSC_0542 DSC_0543 DSC_0544 DSC_0545 DSC_0546 DSC_0548 DSC_0549 DSC_0550 DSC_0552 DSC_0553 DSC_0555 DSC_0556 DSC_0558 DSC_0560 DSC_0562 DSC_0563 DSC_0564 DSC_0567 DSC_0569 DSC_0570 DSC_0571 DSC_0572 DSC_0586 DSC_0587 DSC_0590 DSC_0591 DSC_0593 DSC_0594 DSC_0595 DSC_0596 DSC_0599 DSC_0600 DSC_0601 DSC_0603 DSC_0604 DSC_0605 DSC_0606 DSC_0607 DSC_0610 DSC_0611 DSC_0612 DSC_0614 DSC_0615 DSC_0618 DSC_0619 DSC_0620 DSC_0621 DSC_0622 DSC_0623 DSC_0624 DSC_0625 DSC_0626 DSC_0627 DSC_0629 DSC_0630 DSC_0632 DSC_0633 DSC_0634 DSC_0635 DSC_0636

Puntlandi.com- Garooowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles