Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Faahfaahin+Sawiro) Safarka Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya uu ku tagay Jubbaland.

$
0
0

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdib balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta Safar ku tagay magaalada Kismaayo,waxaana uu ka qayb galay Munaasabad lagu sagootinayay Ciidamada Sierra Leone ee ku sugnaa Jubbaland,kuwaas oo dib ugu noqday dalkooda Hooyo.

Munaasabada lagu sagootiyay Ciidamada Sierra Leone oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ayaa waxaa ka qayb galay;- Madaxda Jubbaland,Mas’uuliyiin ka socda Beesha Caalamka iyo marti shafar kale.

Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidamada Sierra Leone ku amaanay doorkii ay ka qaateen hawlgalka Amisom ee Soomaaliya,waxaana uu xusay in Soomaaliya ay abaal u hayso Ciidamada Sierra Leone.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay Jubbaland u aqoonsatay Maamul Goboleed rasmi ah,isla markaana meesha laga saaray waxa loogu yeeri jiray Maamul KMG ah.

Ka dib,markii la sagootiyay Ciidamada Sierra Leone ayaa Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha Dawlada Jubbaland ay wada qaateen kulan uu Al-baabadu u xirnaa,kaasi oo Saxaafadu ay Bannaanka ka joogtay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Saxaafadda u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Jubbaland iyo Federaalka,waxaana uu ka codsaday Federaalka inay siiso Jubbaland Xuquuqda ay ku leedahay.

Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ayaa isla galabta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Gobolka Banaadir,waxaana jira Wasiiro,Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Wafdiga Madaxweynaha oo ku haray kismaayo.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

www.puntlandi.com.

2 DSC03905 23 22 16 11 12 DSC04211 DSC04204 DSC04259 DSC04254 DSC04242

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles