(Pi Garoowe) Wasaaradda dhallinyarada iyo Cayaaraha dowladda Puntland oo kaashanaysay Hay’ada socdaalka aduunka ee marka magacooda laso gaabiyo loo yaqaan IOM,ayaa maanta Garoowe ku xustay maalinta caalamiga ah ee Muhaajriinta oo la qabto Sanad walba 18-ka bisha 12-aad.
Xuska maalintaan oo lagu qabtay xarunta horumarinta Cilimi Baarista Puntland ee PDRC ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda, maamulka degmada Garoowe, siyaasiyiin iyo dhallinyaro aad u badan.
Sanadkaan ayaa xuska hal ku dhig looga dhigay “Dhalinyarooy ha tahriibin oo dheefsada dalkiina” sida ay Munaasabada ka sheegtay agaasimaha waaxda dhalinyarda ee Wasaaradda Shaqada,shaqaalaha,dhalinyarada iyo Cayaaraha Dawlada Puntland Deeqo Jaamac oo ka mid ahayd qabanqaabiyaasha Munaasabadaan.
Deeqo Jaamac waxay dhallinyarada reer Puntland ku dhiiri galisay inay dalkooda iimaansadaan islamarkaana ay ka digtoonaadaan dhibaatada ay tahriibtu leedahay, waxayna intaa ku dartay inay Wasaaradooda door muhiim ah ka ciyaarayso in dhallinyarada laga weeciyo tilaabooyinka xun xun ee laga dhaxli karo cawaaqib xumada, iyadoo tusaale usoo qaadatay inay dhalinyarada u dhiseen dallado ay ku midaysan yihiin oo ka shaqayndoona horumarkooda.
Cabdiraxmaan Axmed Maxamed oo ah wakiil ka socday Hay’ada IMO ayaa sheegay caalamku inuu joojiyay sharci siinta muhaajiriinta, (Tahriibayaasha)Wuxuuna dhalinta haatan ku haminaysa Tahriibka kula dardaarmay inay niyadooda ka saaran Tahriibka, isagoo u sheegay inay waqtigaan Malaayiin Soomaali ay ku dhibaataysan yihiin dalka dibadiisa.
Agaasimaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay Munaasabada,ayaa u sheegay dhallinyarada inay ku tusaale qaataan dadka dibada kasoo tagaya ee dalkooda imaanaya ee isagu kamid yahay.
“ Anigu waxaan ka imid dibada weliba anigoo sharci haysta. Hadii ay dibadu nacfi leedahay kama aanan soo tagi lahayn runtii, “ ayuu yiri Tigaana oo dhalinyarada usoo jeediyay inay ka faa’idaystaan fursadaha wadankooda ka jira.
Hay’ada IOM ayaa warbixin ay soo saartay waxay sheegtay sanadkaan 2014 inuu yahay sanadkii ugu badnaa ee Tahriibayaasha naftooda ku haligaya inay gaaraan Qaarada Yurub iyagoo raadinaya inay helaan nolol ka wanaagsan mida taala wadamadooda.
Daawo Sawiradda.
Puntlandi.com- Garoowe