Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Warbixin+Dhagayso) Dib u habaynta Ciidamada Puntland oo si habsami leh u socota.

$
0
0

Dib u habaynta Ciidamada Puntland ayaa si habsami leh uga socota Gobolada Puntland,arrintaas oo qyab ka ah qorshe hawleedka ay ku hawlanayd Dawlada Puntland.

Ciidamada ayaa la siinayaa tababar si kor loogu qaado Aqoontooda,loona helo Ciidamo kooban oo tayo gudan karana waajibaadka Qaran ee horyaal.

Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa waxaa maanta tababar loogu furay qaar ka mid ah Ciidamada Booliska Puntland,kuwaas oo laga kala keenay Gobolada Puntland.

Talaabada tababarka loogu furay Ciidamada ayaa ka mid ah Dib u habaynta Hay’adaha amniga Puntland ee ay hirgalinayso Puntland.

‘’Sagaalka qaybood ee uu ka kooban yahay Ciidanka Booliska ayaa tababar loogu furay Dugsiga Xorgoble, laba qaybood ayay isugu jiraan;-qayb waa Ciidan loogu talagalay La-dagaalanka Dambiilayaasha iyo Argagixisada,Ciidana waa Taraafig loogu talagalay inay ka shaqeeyaan Nabadgalyada Waddooyinka’’Sidaa waxa yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf.

Wuxuu intaas ku daray‘’…Cidna Puntland tababarka gacan kama siin,Puntland ayaa bixinaysa wixii Kharash ah oo ku baxaya Tababarka,muddo saddex Bilood ah ayuu soconayaa’’.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay inuu rajaynayo in Ciidamadu ay door ka qaataan Kor u qaadida amniga Puntland.

‘’Gobolada Puntland qayb walba waxbaa laga keenay,waa Ciidamadii shaqaynayay,inta timi ayaa tababarka loo furay,waxaan rajaynayaa in Amniga Puntland ay wax wayn iska badalaan’’Ayuu yiri Jaqanaf.

Hoos Ka Dhagayso Codka Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland;-

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512