(Pi Garoowe) Dowladda Puntland ayaa ku guulaysatay in sanadka cusub ee 2015 la balaariyo degmooyinka ka faa’idanaysa mashruuca horumarinta degmooyinka JPLG, Waxaana lagu daray saddex degmo oo katirsan gobolada Puntland.
Saddexdan degmo ayaa kala ah Burtinle oo katirsan gobolka Nugaal, Galdogob oo katirsan gobolka Mudug iyo Qandala oo katirsan gobolka Bari.
Gudoomiyaha degmada Banderbayla Siciid Aadan Cali ” Aneetna oo kamid ahaa wafdi Puntland oo Nairobi kagasoo qeyb galay shirka looga hadlayay arimaha mashruuca JPLG ayaa wareysi uu siiyay Puntlandi.com wuxuu sheegay inay degmooyinku qabandoono shaqooyin culus oo xaga horumarinta ku saabsan.
Halkaan ka dhageyso wareysiga gudoomiyaha.
Puntlandi.com- Garoowe.