Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

War Deg Deg ah– Jubaland oo beri u qabatay iney Dowlada Federaalka ah kala baxdo Kismaayo Dadka ka jooga

$
0
0

Kismaayo– Talaado, 28 May,2013–Pi– Warar Rasmi ah oo iminka soo gaaray Puntlandi ayaa lagu sheegay in ay Dowlada Jubaland amar ku bixiyeen iney kama Dambeys beri uga baxaan Kismaayo dhamaan Dadka ka amarqaata Muqdisho oo ay u horeeyaan Sadexda Wasiir ee Garoonka Diyaaradaha Degan iyo Wafuuda Xildhibaanada ah ee ku sugan Hotel ku yaal Magaalada.

Sida aan war ku helney Amarkaan wuxuu kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe .

Dhinaca kale warar aan ka helayno dhinaca Muqdisho waxaa socda abaabul Diyaarad loogu dirayo Wafuuda Federaalka ka jooga Kismaayo si ay Muqdisho ugusoo duuliso.

Ilaa hada macada sida loo fulinayo amarka kama dambeysta ah ee kasoo yeeray Maamulka Jubaland iyo sida ay Qolyaha Muqdisho ugu hogaansami doonaan iyo Talaabada xigta ee Jubaland qaadi doonaan.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles