Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Dhageyso) Dawlada Puntland oo sheegtay in is badal ku sameynayso nolosha qoysaska barakacayaasha.

$
0
0

(Pi Garoowe) Dawlada Puntland ayaa ku dhawaaqay inay is badal weyn ku samaynayso  nolasha barakacayaasha ku nool gudaha Puntland, iyagoo loo dhisidoono guryo  rasmi ah oo ay iyagu yeelandoonaan.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan”Karaash” ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Puntland gaar ahaan kuwo gobolka Nugaal inay bixiyaan dhulkii guryaha looga dhisi lahaa barakacayaasha.

Wasiirku wuxuu ku ammaanay bulshada Gobolka Nugaal inay yihiin dadkii ugu horeeyay ee ku deeqay dhulal loogu talo galay in barakacayaasha guryo looga dhiso sanadkii 2012 xilligaas 1200 guri loo dhisay barakacayaasha iyo danyarta deegaanka.

Axmed Karaash wuxuu sheegay inay gobolada Bari iyo karkaar haatan diyaariyeen dhulkii dowladdu ka codsatay

Agaasimaha barakacayaasha Puntland Beexaani Axmed Barre ayaa sheegay qorshahaan gurayaynta ah inuu qeyb ka yahay  barmaaaij lagu magacaabo xalwaara, kaasoo ah in barakacayaashun ka baxaan nolasha ay haatan ku jiraan islamarkaana ay helaan guryo fiic fiican si kor loogu qaado daryeelkooda.

Beexaani wuxuu sheegay shir dhawaan ka dhacay Nairobi oo ka qeyb galeen maamulada soomaaliya iyo dowlada federalka inay dowlada Puntland sumcad ballaaran ku heshay kadib markii lagu ammaanay sida ay ula dhaqanto barakacayaasha.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Qani Caashi Cali ayaa sheegay inay muhiimad weyn leedahay in dhul lasiiyo barakacayaasha, isagoo sheegay inay ka qeyb qaadanayso inay magaalooyinku weynaadan islamarkaana ay bilicdii soo noqoto.

Nabadoodan, waxgaradkii iyo odayaashii kulankaan ka qeyb galay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan codsiga dowlada islamarkaasnaay diyaar u yihiin inay bixiyaan dhul kasta oo wax loogu qabanayo danta bulshada.

Halkaan ka dhageyso wasiirka arimaha gudaha.

Puntlandi.com- Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles