Tuutaha Ciidianka Dowlada Federaalka ah ayaa ah mid laba siyaabood looga faa’iideysto iyadoo lagu dhibaateynayo shacabka soomaaliyeed ee maatada ah, Qolo waa Al-shabaab oo khiyaamo dagaal u adeegsada Tuutaha ciidanka, waxayna usoo xiraan Ciidankoodu markay Isqarxin iyo weerar kale geysanayaan, badanaa way ku guuleystaan oo waxaan xusuusanaa Qarixii Maxkamada Gobolka Banaadir iyo Qarixii UNDP ee bishii hore, Badanaa Tuutaha ay Al-shabaab u isticmaalaan Weerarada waxay ka helaan shaqsiyaad meelo sarsare kaga jira Dowlada Federaalka ah.
Warbixintii dhowaan ay soo saareen kooxda Dabagalka Cunaqabateynta Soomaaliya waxaa lagu muujiyey shaqsiyaad ka tirsan Villa Soomaaliya oo gacan saar wanaagsan la leh Al-shabaab.
Qolada kale waa Ciidanka ruuxooda oo asal ahaan iyagu ahaa Maleeshiyaad qabiilkii Muqdisho iyo nawaaxigeeda joogay oo la ciidameeyey, Tusaale fiican waxaa kuugu filan Degmooyinka Magaalada Muqdisho, Gudoomiye Degmo oo kastaa wuxuu leeyahay Ciidan ugaara oo isaga ka amar qaata, Ciidankaas waa Ciidan Beeleed lakiin hal arin ayay ka simanyihiin Degmooyinka oo idil, waa tuutaha ay qabaan iyo mushaarka ay qaataan oo ah kan Dowlada Federaalka ah.
Dhowaan Waxaa Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu jeheeyay Ciidan Beeleedyo loo galiyey Tuutaha Dowlada, waxaana dabada kasoo riixaya qaarkamid ah Madaxda Dowlada Federaalka ah.
Waxaan wada xasuusanaa wixii dhexmaray Jubaland iyo Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Federaalka Cabdixakiin Fiqi , maantana waxaan markhaati kawada nahay tan ka taagan Shabeekaha Hoose.