Maxkamad kutaala dalka Masar ayaa beenisay dambiyo lagu eedeeyay madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak oo la xiriirinayay dilka dibadbaxayaal sanadkii 2011, dibad baxaas oo ahaa kacdoonkii lagu soo afjarayay ku dhowaad 30 sano oo uu dalkaas xukumayay.
Mubaarak oo 86 jir ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay dambiyo ku saabsanaa musuq maasuq uu wajahay isaga iyo wiilashiisa Alaa iyo Gamal.
Sanadkii 2012 ayaa Mubaarak lagu riday xabsi daa’in, laakiin go’aanka maxkamada ayaa laga qaatay racfaan.
Puntlandi.com