Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Dhageyso) Barlamaanka dowladda Puntland oo maanta dood ka yeeshay xoraynta dhulka maqan.

$
0
0

(Pi Garoowe) Barlamaanka dowlada Puntland ayaa maanta dood ka yeeshay xoraynta deegaanada ka maqan gacanta dowladda Puntland.

Doodaan ayaa xildhibaanadu waxay aragtiyo kala duwan kaga dhiibanayeen muhiimada ay leedahay in gacanka Puntland lagusoo celiyo dhulka maqan gaar ahaan gobolka Sool oo muddo 7 sano ah gacanta ugu jirta maamulka Soomaaliland.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa soo jeediyay in xukuumada lagu taageero sidii loosoo celin lahaa dhulka maqan waxayna dhinaca kale xukuumada ugu baaqeen inay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa xoraynta dhulka maqan.

Sidoo kale qaar kamid mudanayaasha ayaa ku taliyay inuu barlamaanku soo saaro qaraar adag oo ku aadan soo celinta gobolka Sool iyagoo ugudbinaya dowlada.

Halkaan ka dhageyso codka barlamaanka.

Puntlandi.com

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles