Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Daawo Sawirada Ururka dhalinyarada Puntland ee Switzerland oo qabsaday Munaasabad balaaran,kana hadlay Waxqabadka Ururka.

$
0
0

Xaflad Si heer Sare ah loo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Puntland ayaa lagu qabtay Magaalada Geneve ee Dalka Switzerland.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Gudiga Ururka Dhalinyarada Puntland ee Switzerland ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jirtay ajaanib iyo Soomaaliya iyadoo ay goobtu soo buux dhaafiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta madasha ka sugnaa waxaa ka mid ahaa Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska  ee Dowlada Puntland Marwo Farxiyo Yuusuf Xirsi, Madaxweynaha Jaaliyadaha Africa ee Switzerland Celeste Ugochukwu, Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Puntland ee Switzerland Maxamed Jabriil Catoosh, Maamada Jaaliyadaha Drs Luul Digriyow  Gabadha Ugu Quruxsan Dalka Switzerland Chenon Nakita Khalil ,  Farxiyo Cusmaan Dheel oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Dalka Switzerland  iyo Xiriiriyaha Jaaliyadaha iyo Dowlada Puntland Hodan Cabdiraxmaan.

Ururka dhalinyarada Puantland ee dalka Cabdullaahi Axmed Yuusuf Switzerland ayaa sheegay in ururku uu wax badan qabtay,loona baahan yahay in Jaaliayadu ay qiimeeyaan waxqabadka ururka.

Dhalinyarada ayaa sheegay in muddo kooban ay ku sameeyen Dastuurka ururka,ayna shirar la qaateen dhalinyarada reer Puntland ee ku dhaqan dalka Switzerland,kuwaas oo ay kala hadleen isku xirka iyo hormarinta dhalinyarada.

Madasha oo ahayd mid heer sare loo  soo agaasimay waxaa Xiriirinayay Afhayeenka Ururka Dhalinyarada Puntland ee Switzerland Cabdiraxmaan Dhalo.

Xafladan oo eheed mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa Kalmado dardaaran ah ka so jeediyay SHeekh Maxamed Abshir oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee Switzerland degan.

Si kastaba, ha ahaate Munaasabadan  oo eheed mid si heer sare loo soo agaasimay waxaa soo xiray  Xiriiriyaha Ururka Dhalinyarada Puntland ee Caalamka Bashiir Gurey Dusaaye.

Hoos Ka Daawo Sawiro iyo videoga Munaasabada;-

www.puntlandi.com.

2 4 5 6 7 8 9 10 12 13 15 16 18 19 20 21 23 25 26 27 28 31 32 33 35 36 37 38 3 11 14 17 22 29 34 24 30


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512