Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Baarlamanka Dawlada Federaalka Soomaaliya oo maanta kulmaya.

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamanka DFS ayaa saaka lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee xarunta Gobolka Banaadir,ka dib markii Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta uu Iclaamiyay kulanka.

Xildhibaanada kaso horjeeda Mooshinka ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan ay shalay ku yeeshen Muqdisho ku sheegay inaysan oglaanayn in Mooshin Iibsan la horkeeno Baaralamanka.

‘’Shacabka Soomaaliyeed,Beesha Caalamka,Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Madaxweynaha waxaan ku Wargalinaynaa in wixii meesha ka dhaca Mas’uuliyadeeda waxaa qaadanaya Guddoomiyaha Baarlamanka,Madaxweynaha iyo Xidhibaanada la hagayo oo Sharci darada wada’’Sidaa waxaa yiri Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil oo Saxaafadda la hadlay ka dib kulan Xildhibaanadu ay ku yeeshen Muqdisho.

Inkasta oo Guddoomiyaha Baarlamanku uu iclaamiyay kulanka maanta ay Xildhibaanadu yeelanayaan,hadana waxaa la xasuustaa in laba kulan oo horay Baarlamanku ay u yeelan lahaayen ay fashil ku dhamaadeen.

Lama yaqaan Muuqaalka uu yeelan doono kulanku,waxaana dadweynaha Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku ay indhaha ku hayaan kulanka Baarlamanka.

Faahfaahinta Warkan dib ayaan idin kaso gudbinaynaa.

www.puntlandi.com.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles