Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Dhagayso) Xildhibaanada kaso horjeeda Mooshinka oo sheegay inay ka go’an tahay inay Badbaadiyaan Qaranimada umada Soomaaliyeed.

$
0
0

Golaha illaalinta Shuruucda iyo Haybada Baarlamanka oo ah Xildhibaanada kaso horjeeda Mooshinka ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha ayaa shir Saxaafadeed ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku sheegay inay ka go’an tahay Badbaadinta Qaranimada Soomaaliya,ayna marna ogolaalayn in Koox gaar ah ay afduubato Siyaasada iyo Dawladnimada dalka.

Hadalkan ayay ka sheegen ka dib kulan ay ku yeeshen magaalada Muqdisho ee xarunta Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil oo akhriyay Warsaxaafadeedka kaso baxay Xildhibaanada tiradoodu ay ka badan tahay 120 ayaa Warsaxaafadeedkiisa ku bilaabay ‘’…Markaan aragnay sida kalsoonida Soomaaliya iyo tii-beelweynta Caalamka ay u luntay,markii Koox aan la dooran ay ku tagrifashay ahmiyadii iyo Awooda dalka,markii ay noso baxday ifafaalo boobka hantida iyo Marooqsiga awooda Kooxda saldhiga ka dhigtaya Madaxtooyada Qaranka,waxaan u aragnaa dadaalka aan wadno oo aan kaga soo horjeedno boobka,awooda iyo hantida inuu yahay fursada ugu haboon oo lagu horjoogsan karo Cawaaqib xumo laga dhaxlo,oo Mas’uuliyadeeda ay qaadayaan cidii abaabushay’’.

Xildhibaan Cabadibare Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in xaaladu ay maanta marayso Burbur iyo Babbaadinta Qaranimada,sidaa darteedna ay Difaacayaan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.xildhibaano-2

‘’ugu dambayntii kala doorashadu waxay tahay Burbur Qaranimo iyo badbaadinta,dalka,dadka iyo dawladnimada oo aas-aas u tahay,si loo gaaro Himilada umada Soomaaliyeed’’Ayuu yiri Cabdibare Yuusuf Jibriil.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdibare Yuusuf ayaa beeniyay Warar ay baahiyeen Saxaafadda Muqdisho,kuwaas oo sheegay in Madaxweyne Xassan uu la kulmay Xildhibaanada Diidan Mooshinka Iibsan,wuxuu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn.

‘’Arrintaas waa been,Xildhibaanada diidan Sharci darada in dalka lagu maamulo Madaxweynaha lama kulmi,haddii uu doonayo inuu nala kulmo waan la kulmaynaa Mawqif cadna waan u sheegaynaa’’Ayuu yiri.

Dalwada Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa horay uga digay Cawaaqqib xumo ka dhalata Mooshinka ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha ee ka socda Muqdisho.

Hoos Ka Dhagayso Warsaxaafadeedka;-

www.puntlandi.com.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles