Sida aan lawada socono bisha Janaayo 8 deeda waxaa Puntland ka dhacaya doorashada Madaxweynaha Puntland, Baarlamaanka Puntland wuxuu todobaadkaan iclaamiyay in Doorashadu u dhacayso sidii Caadada noo aheyd ee ku salaysneyd Baarlamaanka oo Madaxweynaha doorta.
Bisha Oktoobar sanadkaan waxaa lakala dirayaa Baarlamaanka hada shaqeeya ee tiradoodu tahay 66 Xildhibaan, iyadoo dhowaan la sameyn doono gudiga doorashada ee soo abaabulaya xulista Barlamaanka, Xildhibaanada Cusub waxaa soo xulaya Isimada soo jireenka ah.
Barnaamijkaan aan ugu magac darey Puntland Election 2014 waxaan kusoo qaadanaynaa Wararka Doorashada Baarlamaanka iyo Tan Madaxweynaha anagoo ku dadaalayna inaan todobaad walba dhowr jeer idiin soo gudbino barnaamij xiiso badan.
Doorashada Baarlamaanka
Dad badan ayaa iswaydiinaya waa kuwama Isimadaas soo jireenka ah ee soo xulaya Xildhaabanada iyadoo aan ogsoonahay iney jiraan Isimo soo jireen ah hadana beelahoodu aysan Xildhibaan marna yeelan, amaba Doorashooyinkii hore aan marnaba soo xulin Xildhibaan.
Hadaan Tusaale yar usoo qaato beelaha C/rahmaan Harti ama kaski qabe iyo Wabeeneeye midkoodna marna ma yeelan Xildhibaan , Wasiir iyo Wasiir ku xigeen toona, beelahaan Tusaale Ayaan usoo qaadaney ee inta way kabadan yihiin
Gobolada Sool iyo Ceyn oo aan ognahay meesha ay jiraan Isimadoodii yaa soo xulaya Xildhibaada gaaraya 17 Xildhibaan ee Goboladaas lagasoo doorto?
su’aalahaan iyo kuwa kaleba waxay qayb ka ahaanayaan Barnaamijka Puntland Election ee Puntlandi idiin soo wado
Doorashada Madaxweynaha
Sawirka kore hadaan idiin sharaxno wajiyada ka muuqda oo aan filayo inaan wada garanayno waa Musharixiinta ilaa hada fagaaraha iskeeney iney Musharixiin yihiin, Inkastoo Raysal Wasaarihii hore ee soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uusan wali ku dhawaaqin Musharaxnimadiisa, Todobaadkii hore oo Puntlandi Waydiiyeen inuu musharax yahay iyo inkale isagoo Adis ababa ku sugan wuu ka gaabsadey inuu Jawaab ka bixiyo.
Sawirka qaybta madow ee Calaamad su’aalku saarantahay waxaan u baneyney Musharixiinta cusub ee aan ilaa hada shaacin musharaxnimadooda.
Musharaxa kowaad waa Madaxweynaha hada xilka haya Mudane Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, Musharixiinta kale waxay kala yihiin oo aad sawirka ku aragtaan.
Gen. Cabdullaahi Siciin Samatar Wuxuu Generaalku soo ahaan jirey Wasiirkii Amniga ee Xukuumada Dr. Faroole, sanadihii dambe wuxuu ahaa Raga ugu cadcadaa Mucaaradka Madaxweyne Faroole, wuxuu saldhigey Magaalada Bosaso oo uu dhowrjeer kala hadley saxaafada isagoo muujinaya inuu diyaar u yahay inuu hogaamiyo Puntland, generaalku wuxuu ka mid ahaa Siyaasiyiintii u ololaynaysay in la joojiyo barnaamijka xukuumadu ay ku doonaysay hirgalinta habka Axsaabta badan, wayna ku guuleysteen iney hor istaagaan.
Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke Wuxuu in mudo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland, Cuuku waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa Nin isbadal muuqda ku sameeyey Wasaarada Waxbarashada, Wuxuu kaloo bartamihii sanadkii 2011 ahaa Gudoomiyaha Gobolka mudug isla markaasna ah Duqa Degmada Gaalkacyo, Cuuke wuxuu si wayn ugusoo caan baxay Markii loo dhiibey Xilka Gudoomiyanimada Gobolka Mudug oo uu run ahaantii shacbiyad badan ku heley, mudo hada bil iyo bar laga joogo ayuu ku dhawaaqay inuu yahay Musharaxa Madaxweynanimada Puntland.
Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Xirsi Gablax, Wuxuu kamid ahaa Qurba joogta Puntland ee dalka dib ugu soo laabtey isagoo ku noolaan jirey Dalka Maraykanka, Gablax wuxuu imaatinkiisii Puntland ahaa qorshe uu ku doonayay inuu u tartamo Madaxweynaha Puntland, Waxaana arintaas ku taageerey Qurba joogta dalka uu ka yimid waxayna ku hanweynaayeen inuu meelfiican ka gaari doono Tartankiisa doorashada, Gablax wuxuu ka mid ahaa isaga iyo Generaal Cabdullaahi Samatar Siyaasiyiintii sida aadka ah ugasoo horjeedey Barnaamijkii Dimoqoraadiyeynta iyo in Xukuumada Dr. faroole sanad loogu daro bishii janaayo sanadkaan, taasise waxay noqotay mid uu uga guuleystey Dr. Faroole,inkastoo ay iyana ku guuleystaan inay hor istaagaan Doorashooyinkii iyo domoqoraadiyentii ay xukuumadu waday.
Dr. Dr.Axmed Maxamed Axmed Shirwac oo looyaqaan Dr. Saadiq Eenow waa aqoonyahan Reer Puntland ah, waa Dhakhtar, wuxuu ku noolaa Dalka Sweden , wuxuu sanadkii hore shaaciyey inuu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland, Dr. Eenow wuxuu ka mid ahaa Aqoonyahano taageerey Barnaamijkii xukuumada Dr. Faroole ay doonaysay iney Dalka ugudbiso Habka Dimoqoraadiyada kuwasoo ku dhawaaqay Urur siyaasadeedka Midnimo, ka dibna waxaa Dr. Eenow loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo.
Dr. Eenow iyo Urur siyaasadeedkii midnomo waxay ka dib go’aansadeen iney ku biiraan kooxdii Mucaaradka ee kasoo horjeedey nidaamka Dimoqoraadiyenta inkastoo mowqifkoodu diidmo ay ku salaysneyd eedeymo la xiriira habka doorashada loogalo iyo Gudigii Doorashada oo ay dhaliil sanaayeen, Dr. Eenow waliw wuxuu kamid yahay tartamayaasha jagada Madaxweynaha.
Sida aan Wararka ugu dambeeya ee Ololaha Doorashada Puntland ku heyno Dhamaan Musharixiintaan kor ku xusan Waxay ka siman yihiin in isbadal siyaasadeed Puntland ka dhaco, waxaana jira dhaqdhaqaaq ka socda Qardho iyo Gaalkacyo kasoo lagu mideynayo Musharixiintaan si ay u helaan Mucaaradku hal musharax oo la tartami kara Madaxweyne Faroole, Sida ay warbaahinta Puntlandi xan hoose ku hayaan waxaaMucaaradka miiska u saaran Raysal Wasaarihii hore Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Hadii ay Mucaaradku ku guukleystaan iney musharixiintaan ka dhaadhiciyaan iney u tanaasulaan Dr. Gaas, waxaa markaas Doorashada fooda isdaraya Dr. Faroole iyo Dr. Gaas.
Kala soco Barnaamijka Puntland Election ee Puntlandi wararka rasmiga ah ee aadan meel kale ka heli karin oo ku saabsan Doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Puntland.
Laga bilaabo bisha Ogosto ayuu barnaamijku si rasmi ah u bilaabanayaa, Waxaan idiinku talagalay xitaa adeeg cusub oo ah inaad xitaa Puntlandi.com kala socon kartaan barta WWW.puntlandi.net, waxay taasi idiin saamaxaysaa in Puintlandi uusan marnaba hawada ka bixin ama aydaan culeys dareemin.
Adeega kale wuxuu noqonayaa in dhamaan Wariyayaasha Puntlandi ee ka howlgala Puntland ay xiliga doorashada isugu tagayaan Garowe si ay usoo tabiyaan doorashada.
laga bilaabo 1 Ogoosto 2013 waxaad barnaamijka kala soo xiriiri kartaa, Akhristayaasha 2014@puntlandi.com , musharixiinta iyo shaqaalohoodu waxay lasoo xiriiri karaan post@puntlandi.com , ama la xiriir Howlwadeenada gaarka ah ee aad awal kala soo xiriiri jirteen Puntlandi.