Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Tartan Aqooneedka Xaafadaha Gaalkacyo ee ay iska kaashanayaan Radio Gaalkacyo iyo Golis oo meel fiican maraya (Sawiro)

$
0
0

Gaalkacyo(Puntlandi.com):- 3-dii bishan Ramadaan waxaa si toos ah Radio Gaalkacyo uga bilowday tartan aqooneedka  xafadaha magaalada Gaalkacyo oo ay maaalgalinayso shirkada isgaarsiinta Golis telecom Soomaaliya  waxaana tartanku u dhaxeeyaa 14 laamood oo ka tirsan xaafadaha Gaalkacyo.

Waxayna kooxaha tartamaya kala ahaayeen sidan:-

Shan xaafadood oo ka socday Israac.

  1. Israac laanta 1aad
  2. Israac laanta 2aad
  3. Israac laanta 3aad
  4. Israac laanta 4aad
  5. Israac laanta 5aad

Shan xaafadood oo ka socday Garsoor.

  1. Garsoor laanta 1aad
  2. Garsoor laanta 2aad
  3. Garsoor laanta 3aad
  4. Garsoor laanta 4aad
  5. Garsoor laanta 5aad

Afar xaafadood oo ka socday Horumar.

  1. Horumar laanta 1aad
  2. Horumar laanta 2aad
  3. Horumar laanta 3aad
  4. Horumar laanta 4aad
  5. Horumar laanta 5aad

Tartan aqooneedka xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee ka baxa  Radio Gaalkacyo waxaa maalgalinaysa shirkada isgaarsiinta gayigeena ee Golis telecom Soomaaliya.

Intii uu socday tartanka xaafadaha waxaa is arkay dhammaan xaafadihii ku tartamay, waxaana loo kala qeybiyay saddex kooxood oo kala ah, Group A  Group B iyo Group C.

Tartan aqooneedka Radio Gaalkacyo oo ay sanad walba ka qayb galaan inta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo waxaa jira Guddi u xilsaaran soo diyaarinta su’aalaha tartanka.

16-kii bisha Ramadaan waxaa soo gabagaboobay wareegii koowaad ee kooxaha Group B iyo Group C, isla habeenkii ku xigay ee ay taariikhdu ku beegnayd 17-ka bisha Ramadaan waxaa la sameeyay qori tuurkii wareegiii labaad ee xaafadahaas soo baxay waxaana isugu soo haray xaafadaha kala ah:-

Groop A                                                                 Gruop B

 

Horumar laanta 3aad                                            Garsoor laanta 3aad

Israac laanta 4aad                                                Garsoor laanta 5ad

Horumar laanta 1aad                                            Israac laanta 5aad

Garsoor laanta 2aad                                             Israac laanta 1aad

 

Wareega labaad dhammaan xaafadaha si toos ayay ugu sugnaayeen idaacada Radio Gaalkacyo barnaamijkuna si toos ah ayuu ugu baxayay idaacada Radio Gaalkacyo.

Waxaa xusid mudan in kooxda Group C, aysan weli ka soo bixin wareegii koowaad, waxaana la filayaa in goor dhow ay wareega koowaad kasoo baxaan.

18-ka bisha Ramadaan oo caawa ku beegan waxa uu tartanku dhexmarayaa labada xaafadood oo kala ah:-

Garsoor laanta 2aad iyo Garsoor laanta 5aad

Waa sanadkii afaraad oo tartan aqooneedkaan ay marti geliso Idaacada Radio Gaalkacyo.

Hoos ka daawo Sawirada.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512