Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawirro) Wasaaradda caafimaadka Puntland oo kulan soo dhaweyn ah u qabatay agaasime cusub oo kusoo biiray.

$
0
0

(Pi Garoowe) Wasaaradda caafimaadka dowlada Puntland ayaa maanta soo dhaweyn ballaaran u samaysay Idil Cabdi Khaliif Sheekh Xasan Ajaayo oo ku guulaysatay agaasimaha cusub ee shaqada iyo shaqaalaha ee wasaarada caafimaad ah. Jagadaas oo ah waax cusub oo lagusoo kordhiyay wasaaradda.

Idil Cabdi Khaliif Ajaayo waxaa dhalay wasiirkii hore ee cadaalada iyo arrimaha diinta Puntland, waxayna kusoo baxday tartan furan oo loo dhan yahay oo ay iska kaashadeen wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo guddiga shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, iyadoo tartankaas loo qabtay 36 ruux oo soo codsaday inay qabtaan xilkaan agaasime.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa kulanka soo dhaweynta ka cadeeyay inay agaasime Idil kusoo baxday tartan ku dhacay qaab cadaalad ah, wuxuuna sheegay inaysan wasaaradda caafimaadku wax faro galin ah ku lahayn hannaan loo maray tartankaan.

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha rayidka ah Puntland Mustafe Shabac ayaa sheegay arintaan inay ka turjumayso siyaasada cusub ee dib u habaynta shaqaalaha oo uu balanqaaday madaxweyne C/Weli Gaas. Waxaana uu u mahad celiyay wasaaradda caafimaadka oo uu ku ammaanay sida ay ugusoo gudbisay jagada bannaan ee haatan la buuxiyay.

Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Puntland Cabdirisaaq Shirre Ismaaciil ayaa kula dardaarmay agaasimaha cusub inay si daacad ugusoo baxdo wajibaadkeeda shaqo ee ay tartanka adag usoo gashay.

Wasiir udowlaha caafimaadka Puntland C/laahi Jaamac Cali oo ugu dambayn ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan fulinayaan balanqaadkii xukuumada Puntland ee ahaa in si siman loogu tartamo shaqa dowlada, Wuxuuna umahad celiyay dhammaan intii kasoo shaqeysay hannaankaan cusub.

Agaasimaha cusub oo hadal kooban jeedisay ayaa soo dhoweysay xilka cusub ee ay qabanayso waxayna balanqaadya inay si hufan shaqadeeda ugasoo bixidoonto.

Xafiiska Warfaafinta wasaaradda caafimaadka Puntland.

Daawo Sawirada.

DSC01971 DSC01972 DSC01974 DSC01975 DSC01977 DSC01978 DSC01979 DSC01980 DSC01981 DSC01984 DSC01986 DSC01987 DSC01990 DSC01991 DSC01992

Puntlandi.com- Garoowe

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles