Mogadishu, 09 November 2014– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh uga diraya qaraabadii, ehelkii iyo dhammaan Salaadiinta Soomaaliyeed, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo maanta ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, wuxuna marxuumka alle uga baryay in uu jannadiisa ka waraabiyo ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii,asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee ka baxay Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo ahaa ugaaskii guud ee Beesha Leelkase oo maanta ku geeriyooday degmada Goldogob. Ugaasku wuxuu kamid ahaa dadka aad looga qadariyo gobalka saameyn weyna ku lahaa nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka dagan gobalka “.
Allaha u naxariistee Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali ayaa kamid ahaa ugaasyada caanka ah ee gobolka Mudug, isagoo siweyn uga dhax muuqday xal uraadinta dalka Somalia, waxaana lagu xasuustaa ka qayb galkii Shirarkii dib-u-heshisiiinta ee lagusoo unkay dowladihii kala danbeeyay ee dalka soo maray.
INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN
DHAMMAAD.
Puntlandi.com- Muqdisho