Si baaritaan lopgu sameeyo waxa lagu sababay geerida Marxuum Taliyihii Ciidanka Booliska DF Soomaaliya ayaa meydkiisa waxaa lageeyey Isbitaalka Ku yaal Xalane ee Beesha Calamku leeyihiin.
Wararka ay Puntlandi helayaan ayaa sheegaya in Test laga qaadayo Meydka Marxuumka markaas ka dib loo diri doono Shaybaar ku yaal Nairobi si baaris loogu sameeyo.
Shalay ayaa Raysal wasaaruhu u saarey Gudi baaris ku sameeya Geerida Taliyaha, Gudiga ayaa go’aansadey in Meydka Marxuumka laga qaado Test kasoo lala kaashadey AMISOM.
Shaki weyn ayaa laga muujiyey qaabka uu Taliyuhu u geeriyoodey shakigaasoo muujinaya in marxuumka Dhimashadiisa ay ahayd mid qorsheysan, Waxaana hada xiran laba dhakhtar oo laga shakisan yahay.
Puntlandi.com
Muqdisho