Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Ra’iisul Wasaaraha DFS oo magacaabay sii haya Xilka Taliyaha Ciidanka Booliska.

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si KMG ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu magacaabay Cismaan Cumar Weheliye,kaasi oo ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska DFS.

Wasiirka amniga Soomaaliya Khaliif Maxamed Ereg oo Saxaafadda Muqdisho la hadlay,ayaa sheegay in Cismaan Cumar Weheliye si KMG ah loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu si rasmi ah uso magacaabo Taliyaha badalaya Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska DFS ALLA ha u naxariistee Gen. Maxamed Xassan Ismaaciil,oo galabta ku dhintay Muqdisho,inkasta oo Xukuumadda ay shaki ka muujisay sababta uu u geeriyooday,ayna Guddi baaris u saartay Geeridiisa.

Si kastaba ha ha ahate, Cismaan Cumar Weheliye ayaa sii haynaya xilka inta Taliye cusub laga magacaabayo.

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512