Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Golaha Wasiiradda DFS oo soo dhoweeyay Talaabada umada reer Puntland ugu Gurmanayaan walaalahooda Gado.

$
0
0

Golaha Wasiiradda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si wayn uso dhoweeyay talaabada Dowlada iyo dadweynaha reer Puntland ay ugvu Gurmanayaan walaalahooda Gado,xilli Federaalku ay illaaween.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa Saxaafadda u sheegay in talaabada ay Puntland qaaday ay tahay mid muujinaysa sid ay isugu damqanayaan umada Soomaaliyeed.

‘’….Puntland waxaan rajaynayaa in dadka Soomaaliyeed ay ku daydaan,waxaan filayaa in tusaale wannaagsan ay u noqon doonaan Soomaalida kale’’Ayuu yiri Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Gobolada Puntland ayaa waxaa si habsami leh uga socda ololaha loo Gurmanayo qoysaska ay Abaartu waxyeelaysay ee Gado.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ uu ku dhawaaqay in Puntland ay Gurmad u fidinayso qoysaska ay saamaynta ku yeelatay Abaarta ee Gado.

www.puntlandi.com.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles