(Pi Kismaayo) Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay odyaasha dhaqanka degmada Dhoobley, kaasoo ku saabsanaa kala warqaadashada xaalada guud ee Deegaankaasi iyo waliba sidii loogu diyaar garoobi lahaa howlgalada dib u xoreynta deegaanada Jubboyinka ee kamaqan Gacanta Jubaland .
Madaxweyne Axmed madoobe ayaa sheegay magaalada Dhoobley inay horyaal u tahay halganka dib u horeynta Jubaland, Wuxuuna sheegay inay hooy u ahayd Boqolaalka kun oo reer Jubaland oo ay Alshabaab ka barakaciyeen guryahoodii, kuwaas oo haatan ku xaraysan xerooyinka qaxootiga ee Dhaadhaab ee Kenya.
Halkaan ka daawo sawirada.
Puntlandi.com-Kismaayo.