Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawiro+Dhagayso) Dad ku eedeysnaa Shabaab oo maanta Xukun lagu riday Bosaso.

$
0
0

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta la horkeenay Lix qof oo Midi Haween tahay,kuwaas oo ku eedeysnaa inay qayb ka ahaaye Shabaab,ayna Puntland ka wadeen falal amaanka Liddi ku ah.

Dadka la horkeenay Maxkamada ayaa kala ahaa;-

1-Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale.

2-Daa’uud Aadan Ibraahim.

3-Faarax Axmed Maxamed.

4-Salmo Cali Maxamed.

5-Cabdiweli Cabdullaahi.

6-Saacad Aadan Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari,Karkaar,Sanaag ,Hayland iyo Gardafuu Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay go’aanka ay Maxkamadu ka qaadatay eedeysanayaasha la horkeenay.

1-Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale ayaa Maxkamdu ay ku Xukuntay Diltoogasho,waxaana Guddoomiyaha Maxkamadu uu sheegay in Ciidamada amnigu ay qabteen 24/4/2014 xilli uu bartmaha magaalada Bosaso ku aasayay Miino.

2-Daa’uud Aadan Ibraahim ayaa Maxkamadu ay ku Xukuntay 5-sano oo Xarig ah,kaas oo laga soo qabtay deegaanka Galgala,gaar ahaan nawaaxiga goob  qarax lagula beegsaday Ciidamada Difaaca Puntland.

Eedeysanayaal Xoriyadooda dib u helay.

1-Faarax Axmed Maxamed.

2-Salmo Cali Maxamed.

2- iyo Cabdiweli Cabdullaahi ayaa Maxkamdu ay fasaxday,kuwaas oo laga soo qabtay Guriga uu daganaa Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale oo Maxkamadu ay dil ku Xukuntay,waxaana saddexda eedeysane oo ay ka mid tahay Xaaska Eedeysanihii Dilka lagu Xukumay ay ka dharateen inay wax ka ogaayeen falka lagu soo qabtay.

Waxaa xusid mudan in eedeysane Saacid Aadan Cabdullaahi ay Maxkamadu dib u dhigtay Xukunkiisa.

Hoos Ka Dhagayso Go’aanka Maxkamada,kana Daawo Sawiro;-

www.puntlandi.com.

1 3 2 4 5 6 11 7 12 8 9 13

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles