Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

XOG:-Beesha Caalamka oo goob joog ka noqon doona Heshiis dhexmara Puntland iyo Federaalka.

$
0
0

Beesha Caalamka ayaa goob joog ka noqonaya heshiis ay wada gaaraan Puntland iyo Federalka,arrintaas oo horay uu u dalbaday Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay,Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan IGAD Maxamed Cabdi Afay iyo Saraakiil ka socota Midowga Yurub ayaa malinta bari oo Isniin ah soo gaaraya Garowe,kuwaas markhaanti ka noqonaya heshiiska Puntland iyo Federaalka,haddii uu Hubanti noqdo.

Wada hadalka Puntland iyo Federaalka ayaa si habsami leh u socda,waxaana maanta ahayd maalintii ugu adkayd wada hadalka labada dhinac.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxmed Cali ”Gaas” iyo Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa rajo ka muujiyay suuragalnimada inuu Miradhal noqdo wada hadalka Puntland iyo Federaalka
Maalinta bari ayaa lagu wadaa in laso saaro Warmurtiyeedka shirka sida balantu ay tahay,inkasta oo waqti dheeri ah lagu dari karo,haddii ay soo baxaan qodobo u baahan in laga sii wada hadlo.

Shirka Labada Guddi ee Federaalka iyo Puntland aya Al-baabadu u xiran yihiin,waxaana maanta salaan Labada Guddi ugu tagay Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha DFS.

Beesha Caalamka ayaa illaalin doonta cida ku Xadgudubta heshiis dhexmara Puntland iyo Federaalka,xilli horay Federaalku ay u jabiyeen heshiisyo ay la galeen Dowlada Puntland.

isha Ku hay Warsidaha Puntlandi.com,oo aad ka helayso Warar aadan ka helayn Warbaahinta kale.

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles