Madaxweynaha Dowlada Puntland mudane Prof. Cavdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada Ciidul Adxa.
”Waxaan Hambalyada Ciidul Adxaa udiraya Dadweynaha Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan,gaar ahaan dadweynaha Puntland ee aan Madaxwaynaha u ahay in ay ku Ciidaan Ciid wanaagsan ,si nabadgelyo leh ,si farxad leh iyaga iyo ehelkooda ,caruurtooda iyo dhamaan qoysaskooda”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
Madaxwayne Gaas wuxuu sigaara Hambalyo kal iyo laab ah hawada u mariyay Dadka ku nool Deegaanka Galgala oo Maalin ka hor Ciidanka Qalabka sida ee Puntland ka xoreeyen Cadow Diimeedka Argagixisada ah ee Al-shabaab oo muddo sanado ah halkaasi ku dhuumaalaysanayay .
Dhamaad.
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,