Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawiro) Doorashada Guud ee Dalladda Midowga Ururada dhalinyarada Gobolka Bari oo ka dhacday Bosaso.

$
0
0

(Pi Bosaso) Shir lagu doortay Guddoomiyaha iyo Boarka Dalladda Midowga Ururada dhalinyarada Gobolka Bari  ee ABAYAN ayaa maanta ka dhacday magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Maamulka Gobolka Bari,Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Axmed Cabdala Tigana,Agaasimaha Waaxda dhalinyada ee Wasaaradda Deeqo Jaamac Ciise,Waxgarad,Wakiilo ka socday 14-urur oo ku Midaysan Dalladda dhalinyarada Puntland iyo marti sharaf  kale ayaa goob joog ka ahaa Doorashada oo ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Bari ee Bosaso.

Qaybta hore ee Doorshada oo u dhacdahy Habqarsoodi ah ayaa waxaa lagu doortay 7-urur oo noqday Golaha Boarka ururka,kuwaas oo laga dhex doortay 14-urur oo ku Midaysan Dalladda Midowga Ururada dhalinyarada Gobolka Bari ee ABAYAN.

Ururada ku guulaystay Golaha Boarka ee Dallada ABAYAN  ayaa kala ah;-

1-Puntland Girls Association(PGA).

2-Puntland Child Development Organization(PUNCO).

3-Village Environmental Development Organization(VEEDO).

4-Puntland Youth Oraganization(PYO).

5-SAARJ.

6-Youth Emloyment Solutions(YESO)

7-Youth Development Organization(YODO).

Intaasi ka dib Xubnaha matalayay Golaha Boarka ayaa dhexdooda ka doortay Guddoomiyaha Golaha Boarka ee Dallada ABYAN oo ay u doorteen Axmed Maxamed Siciid.

Musharixiinta Guddoomiyaha.

Musharax Cabdirisaaq Xidig Warsame oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Dallada ABYAN iyo Musharax Faarax Maxamuud Siciid ayaa ku baratamay Doorashada Guddoomiyaha Dallada,waxaana  ayaa Musharax kasta uu madasha kuso bandhigay Khudbadiisa ku aadan Waxqabadka haddii uu ku guulaysto Jagada Guddoomiyaha.

Markii Khudbaduhu ay dhamaadeen ayaa 14-Xubnood oo Wakiilo ka ah ururada ku Midaysan Dallada ay u codeeyen labada Musharax,waxaana Doorashadu ay u dhacady Hab qarsoodi ah ku guulaystay Musharax Faarax Maxamuud Siciid,kaas oo noqday Guddoomiyaha Daladda ururada dhalinyarada Gobolka Bari.

Waxa xusid mudan in Musharaxa laga guulaystay uu soo dhoweeyay Natiijada Doorashada.

Guddoomiyaha cusub ee Dallada ururada Gobolka Bari Faarax Maxamuud Siciid ayaa sheegay inay ka go’an tahay hormarinta Dallada,wuxuuna ururada ku Midaysan Dallada uu ka codsaday inay si hufan ula shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan iyo Nabadoon Cabdulqadir Axmed Ibraahim Xarago ayaa soo dhoweeyay qaabka ay u dhacday Doorashadu,waxayna dhalinyarada ku booriyeen inay ka shaqeyaan hormarka dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyaradda iyo Cayaaraha Puntlad Axmed Cabdala Tigaana ayaa sheegay in Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland ay la Xisaabtamayso dhalinyarada Puntland,isla markaana si dhow ula soconayso waxqabadka ururada Puntland.

Mudane Axmed Tigaana ayaa sheegay in Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland ay go’an tahay hormarinta Ururada Puntland.

Agaasimaha Waaxda dhalinyarada ee Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland Deeqo Jaamac Ciise oo ka mid ahayd Mas’uuliyiintii ka hadlay shirka ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay tixgalin gaar ah siiso dhalinyarada, arrintaas oo ay sheegtay inay muujinayso sida Doorashada ay uga qayb galeen,ulana socdeen Mas’uuliyiinta ugu sareeya Wasaaradda.

Magacyada Ururada ku Midaysan Dallada.

Dallada Midowga ururada Gobolka Bari (All Bari Youth Association Network ‘’ABYAN’’). Ayaa waxaa ku Midaysan ururada kala ah;-

Doorashada guud ee dallada Midowga dhalinyarada Gobolka Puntland.

1-Puntland Youth and Social Development Puntland(PSA) .

2-Puntland Girls Association(PGA)

3-Puntland Student Consultancy Association(PSCA).

4-Puntland Students Development Organization(PSDO).

5-Youth Development Organization(YODO).

6-Nobir Youth Development Organization(NYDO).

7-Puntland Career Development Associatoin (PCDA).

8-Puntland Child Development Organization(PUNCO)

9-Puntland Human Richt Association(PHRA).

10-Somali Child Consern Organization(SOCCO).

11-Village Environmental Development Organization(VEEDO)

12-Youth Emloyment Solutions(YESO)

13-Puntland Youth Oraganization(PYO)

14-SAARJ.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Mudane Axmed Cabdala ”Tigaana” ayaa Warsidaha Puntlandi u sheegay in Doorasho tan dhigeeda ah ay horay uga dhacday Gobolada Mudug,Nugaal iyo Karkaar,wuxuuna xusay inay u gudbayaan Gobolada kale ee Puntland.

Si kastaba ha ahate,arrintan ayaa horseed u ah dhismaha Dallad guud oo ay ku Midaysan yihiin dhalinyaradda Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada;

www.puntlandi.com.

IMG_4105 IMG_4112 IMG_4117 IMG_4129 IMG_4131 IMG_4152 IMG_4157  IMG_4160 IMG_4166 IMG_4169 IMG_4174 IMG_4175 IMG_4182 IMG_4183 IMG_4185 IMG_4197 IMG_4199 IMG_4203 IMG_4206 IMG_4211 IMG_4213 IMG_4214 IMG_4220 IMG_4222 IMG_4229 IMG_4234 IMG_4239 IMG_4251 IMG_4252 IMG_4262 IMG_4277 IMG_4278

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles