Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Dhageyso) Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal oo xukun 20 sano ah ku riday nin gabood falo ugeysan jiray dumarka.

$
0
0

(Pi Garoowe) Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun 20 sano ah ku riday nin lagu helay inuu tacadiyo iyo gabood falo  ka dhanka ah xaquuqda Aadanaha ugeysan jiray dumarka.

Ninkaan ayaa dhawaan lagasoo qabtay degmada Eyl ee gobolka Nugaal halkaas oo uu la tagay gabar  uu kasoo afduubtay deegaano hoos yimaada gobolka Sool islamarkaana uu ugeystay kufsi iyo tacadi kale.

Xukunka ninkaan oo dhacay maalinta shalay ee 29 bisha 9-aad ayaa go’aanka maxkamada waxaa maanta soo dhaweeyay wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska ee dowladda Puntland oo qabatay kulan gaar ah.

Wasiirka haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay inay wasaaradda haweenka iyo dumarkuba farxad u tahay go’aanka maxkamada kasoo yeeray ee lagu riday ninkaan oo ay bulshadu ubixisay Jiite.

Wasiirka haweenku waxay sheegtay inay sugayeen in dumarka dhibanayaasha ahi ay helaan cadaalad buuxda oo ku salaysan in sharciga la horkeeno cidii falkaan kula kacday ee aan horey wax looga qaban.

Aniso Cabdi Qaadir waxay falka caynkaan ah ku tilmaamtay  masiibo weyn oo u baahan inaan laga aamusin oo aan lagu salaynsan qabiil iyo wax lamid ah.

Waa markii ugu horeysay oo xukun nuucaan oo kale ah lagu rido qof lagu helo dambi la xiriira tacadiga dumarka.

Halkaan ka dhageyso codka wasiirka.

http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2014/09/Codka-Waiirka-wasaradda-.mp3

Puntlandi.com- Garoowe.

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles