Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana ayaa nasiib daro ku tilmaamay hadalka kaso yeeray Hogaamiye Qaybdiid ee ku saabsanaa inuu fasaxay wax uu ugu yeeray Xayiraad uu kuso rogay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.
Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana ayaa sheegay in si habsami leh uu u shaqaynayay Garoonka Gaalkacyo,wuxuuna xusay inaysan jirin Duulimaad shaki ka muujiyay shaqada Garoonka Gaalkacyo.
‘’Ma jirin Garoon xirnaa oo la furay,sidaad la socotaan Puntland waxay ku baaqday Nabad iyo wada hadal in waxkasta oo khilaaf ah lagu dhameeyo illaa maalintii Xassarada ay bilaabatay,Puntland nabadgalyo ayay ku baaqaysay Saxaafadeedana ma jirin wax dagaal hurinaya noo ay samaysay’’Ayuu yiri.
Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana ayaa sheegay in shacabka iyo Dowlada Puntland ay Nabadu qiimo wayn ugu fadhido.
Wuxuu intaas ku daray ‘’…..Hadduu Nabad ku baaqay oo yiri heshiis baan qaadnaynaa waan soo dhowaynaynaa,laakiin waxaa dheeraad hadaladiisa ku ahaa in Puntland Fidno waddo,inay Gardaro waddo,waxaan idin waydiinayaa Puntland ma lagu soo duulay oo waxa la yiri waa la weerarayaa mise ayadaa tiri waxbaan weerarayaa,maalin nala kama maqal Puntland ayaa wax weeraraysa’’.
Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha iyo dhaqanka Dowlada Puntland Mudane Cabdiweli Xirsi Cabdule Indhaguran oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Puntland aysan Gorgortan ka galayn Hantideeda Qaran,xilli hogaamiye Qaybdiid uu Beesha Caalamka ka dalbanayo inuu wada hadal la galo Puntland.
Mudane Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa sheegay in Garoonka Gaalkacyo uu la mid yahay Garoomada Bosaso iyo Garowe,waxanaa uu xusay in Dowlada Puntland ay ka go’an tahay Difaaca Hantideeda Qaran.
Si kastaba ha ahate,Federaalka ayaa ku hawlan Colaad iyo khalkhal ay ka abuuraan Gobolka Mudug.
Hoos Ka Dhagayso Shir Saxaafadeedka Wasiirka Hawlaha guud;
www.puntlandi.com.