(Pi Gaalkacyo) Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dowladda Puntland oo xalay kasoo tagay magaalada Garoowe iyo Maamulka Gobalka Mudug ayaa saaka booqday garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo xilli ay si caadi ah usocdeen duulimaadyadii garoonka.
Wasiirka Duulista hawada iyo garoomada dawlada Puntland Xasan Siciid
Xaaji Xasan oo katirsanaa xubnaha wasiirada oo saxaafada kula hadlay garoonka gudahiisa ayaa u xaqiijiyay nuu garoonka si wanaagsan shaqadiisu usocoto islamarkaana uu sugan yahay ammaankiisa guud.
Wasiirka duulisa ayaa sheegay inay warbaahinta qaarkood qoreen inuu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, Arintaas oo uu ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.
Xasan Siciid Xaaji wuxuu u digay dadka doonaya inay qal qal galiyaan shacabka gobolka Mudug islamarkaana abuuraya qal qal galin siyaasadeed.
Halkaan ka dhageyso codka wasiirka.
Puntlandi.com- Garoowe