(Pi Garoowe) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Saaka Waaberigii Kormeer Rasmi ah ku Tegay Xaruntii Hore ee Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Xaruntaasi ayaa waxaa hada ka socota Dib uhabayn iyo Dib u dayactir dhisme waxana Xarumo ay ku shaqeeyan u noqon doontaa Wasaarado ay ka mid tahay Wasaarada Warfaafinta Dowladda Puntland.
Xaruntaas oo ay ka muuqato Burbur xoogleh ayaa waxaa dib u habaynteeda gacan weyn ka gaysanaysa Dowladda Puntland,waxana ay qayb ka tahay balanqaadyadii madaxwayne Gaas .
Bishii April Sanadkii 2013 ayaa laga soo wareejiyay Madaxtooyadi Xaruntaas iyadoona si rasmi ah loogu soo wareegay Dhismaha aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Daawo Sawiradda.
Puntlandi.com- Garoowe