Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawirro) Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland oo sagootisay ardayda deeq waxbarasho looga helay Suudaan.

$
0
0

(Pi Garoowe) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa sagootisay 11 arday ah oo sanadkaan deeq waxbarasho looga helay Dalka Suudaan oo kamid ah wadamada ugu badan ee fursadaha waxbarasho siiya ardayda reer Puntland.

Ardaydaan oo ahaa gabdho ayaa ku jiray ardaydii buundooyinka sare uga gudbaday imtixaankii dugsiyada sare ee la qaaday sanadkaan bilowgiisii waxayna nasiib u yeesheen deeq waxbarasho oo dibada ah.

Tirada guud ee  ardaydaan ayaa ahaa 14 gandhood waxaan baxay oo la sagootiyay 11 kamid ah halka saddexda kalena ay dhawaan  bixidoonaan sida ay Puntlandi.com u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cali Xaaji Warsame ayaa kula dardaarmay inay ka soo dhalaalaan kaalintooda wasaaradduna ay u gashay dadaal dheer sidii ay fursadaan u heli lahaayeen, waxaa kale oo uu uga xog waramay xaaladda Jaamacadda ay ku guulaysteen kuwaasoo uu u sheegay in ayaydii la midka ahayd ee sanadihii hore tagay ay muujiyeen dadaal dheeri ah, inkastoo ay ahaayeen tiro aad u yar.

Wasiirka ayaa kula ballamay Ardayda inay waxbarashadooda ku mashquulaan oo aysan u hanqal taagin waxyaabo kale, waxaana uu u sheegay inuu kula xisaabtami doono heerkooda waxbarasho Xilliyada uu halkaasi booqashada u yimaado.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ahna Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka Mudane Axmed Maxamed Warsame ayaa sidoo kale la sii dardaarmay, waxaa kale oo uu siiyay xogta safarka ay galayaan ilaa ay ka gaarayaan Khartuum iyo xiriirada Guddiyada Ardayda ee kaga sii horreeya halkaasi.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay Ardaydaasi gabdhaha ah in ay yihiin iftiin soo muuqday oo la wada eeganayo, sidaa daraadeedna aysan noqon kuwo lagu hungoobay.

Wasaaradda waxbarashada ayaa ugu dambyan i1-kaas arday dhammaantood waxay gudoonsiisay dekumentiyadoodii oo dhammaystiran.

Halkaan hoose ka daawo sawiradda sagootinka.

IMG_9127 (1) IMG_9123 IMG_9119 IMG_9116 IMG_9116 IMG_9128 IMG_9141

Puntlandi.com- Garoowe.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles