Garowe– Isniin, 27 May.2013–Pi– Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo maanta ka qayb galay barnaamij su’aalo ay shacabku ku waydiinayaan oo ka dhacay Xarunta Cilmi baarista iyo nabada ee Puntland PDRC ayuu ka hadlay dhowr arimood oo aykamid yihiin Amaanka Puntland, Dimoqoraadiyenta Puntland , Arimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Arimaha Jubooyinka.
Madaxweyne Faroole wuxuu sheegey in Puntland ay si buuxda u garab taagan tahay Dowlada cusub ee Jubaland, wuxuu yiri “Dowlada Jubaland waa dowlad buuxisey dhamaan sharuudihii federaalisimka ee Dastuuriga ahaa, Waxaan si buuxda u taageersanahay oo aan idiin sheegayaa in Madaxweynaha iyo kux igeenka Jubaland si xaq ah lagu doortey, “.
dhinaca kale Madaxweyne Faroole wuxuu sheegey iney Puntland diyaar u tahay iney Wadahadalsiiso Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah iyo Madaxweynaha Jubaland, wuxuu sheegey iney diyaar u yihiin iney Garowe isugu keenaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah, Raysal Wasaaraha, Madaxweynaha Dowlada Jubaland iyo ku xigeenkiisa si ay uga wadahadlaan Arimaha Federaalka iyo waxyaabaha la isku hayo.
Madaxweyne Faroole wuxuu isagoo gacanta ku haya Buuqa Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu sheegey in Dastuurka Wax laga badalay, kii sharciga ahaa oo Puntland ay hayso, Beesha Caalamkuna hayaan la badalay, wuxuu kaloo Dr. faroole sheegey iney Hayan cadeymo buuxa oo sheegaya in Dastuurka la badalay, ayna Puntland arintaas meel dheer la gaareyso ilaa la saxo waxa la qaldey.
Barnaamijka uu Madaxweynuhu ka qayb qaatey oo su’aalana ay shacabku waydiinayaan ayaa wali hada socda, waxaana soo abaabuley Xafiiska saxaafada ee Madaxtooyada Puntland.
Barnaamijka oo maqal iyo muuqaal ah kala soco Puntlandi.com
Puntlandi.com
Xarunta PDRC Garowe