Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawirro) Manhajka waxbarashada dowladda Puntland oo lagu daridoono waxbarashada Nabada iyo uqareemideeda.

$
0
0

(Pi Garowe) Wasaaradda waxbarashada ee dowladda Puntland ayaa maanta tababar socday muddo saddex cisho usoo gabagabaysy 32 arday ah oo ka kala socday gobolada Nugaal, Bari, Sool iyo Sanaag, kuwaas oo loo tababarayay in manhajka Puntland lagusoo daro waxbarashada dhismaha nabada iyo uqareemida.

Agaasimaha imtixaanaadka ahna ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Warsame (Axmed Saahid) ayaa sheegay hadafka laga leeyahay barnaamijkaan inuu yahay wax walba oo ku saabsan nabada iyo kala dambaynta in lagusoo darro manhajka waxbarashada oo ay haatan gacanta ku hayaan.

“ Manhajka Puntland waxaa la rabaa inuu daaweeyo wax walba oo uu jawaab u helo mushkiladaha maanta ugu weyn ee Soomaaliya la haray. waxaana kamid ah,  kala dambayn la’aan, nabad galyo xumo, is qabsi qabsi joogto ah,  muran iyo looma dhamo wax la yiraahdo, ayuu yriri Axmed Saahid.

Axmed Saahid waxaa uu sheegay ardayda la tababaray in loo kala diridoono gobolada Puntland iyadoo uu tilmaamay inay dadka kasoo wareysandoonaan waxyaabaha uqareemaya nabada iyo macluumaad badan oo la xiriira sida nabad galyada kor loogu qaadi karo si loogu darro manhajka waxbarashada.

“ Waxaan doonaynaa jiilka noosoo baxaya iyo kuwo hadda waxbarashada ku jira intuba inay ku tarbiyaysnaadaan wax alaale waxa keenaya kala dambaynta , ismaqalka keenaya, isfahamka keenaya oo xoojinaya wada hadalka, “ayuu hadalkiisa kusii daray.

Agaasimaha ayaa sheegay sababta arintaan loogu xushay dhallinyadda inay tahay maadaama dhallinyaradu yihiin mustqbalkii berito ee dalka hogaamin lahaa.

Wuxuu ugu dambayn kula dardaamay ardayda inay mas’uuliyad xoogan iska saaraan wareysiga ay la yeelanayaan dadka ay la kulmayaan islamarkaana ay si xushmad ah wax uweydiiyaan qof walba oo ay la kulmayaan.

Waa tababarkii ugu horeeyay oo nuuciisa ah waxaana soo qaban qaabiyay hay’adda AET (African Education Trust) oo maal galin ka helaysa hay’adda Unicef.

Halkaan ka daawo sawiradda.

DSC_5324 DSC_5325 DSC_5326 DSC_5327 DSC_5328 DSC_5329 DSC_5330 DSC_5331 DSC_5333 DSC_5334 DSC_5335 DSC_5336 DSC_5337 DSC_5338 DSC_5339 DSC_5341 DSC_5342 DSC_5345 DSC_5346 DSC_5347

Puntlandi.com- Garowe

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles