(Pi Garowe)Hay’adda cilmi baarista iyo horumarinta Punland ee PDRC xarunteeda Garowe ayaa si rasmi saaka waxaa uga bilaabanaysa doorashada hogaanka urur warbaahinta Puntland ee Map oo saddexdii sano mar la qabto.
In ka badan 70 saxafiyiin ah oo isaga kala yimid gobolada Puntland oo ka qeyb galay shirweynaha labaad ee Map ayaa doorandoona xoghayaha ururka Map, gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka, Waxaana xilalkaasi u sharaxan masharixiin cusub iyo kuwo horey xilal uga hayay ururka Map.
Waxaa goobta ku sugan wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda Puntland Nuur Axmed Yuusuf iyo wasiir ku xigeenka dastuurka, arimaha federalka iyo dimuqraadiyanta ee dowladda Puntland Cabdi Raxmaan Axmed Ismaaciil , goob joogayaal iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid meel fog fog.
Xilka xoghayaha guud waxaa u sharaxan saddex wariye oo labo kamid ah dumar yihiin. xilka gudoomiyaha waxaa u sharaxan 4 saxafi halka gudoomiye ku xigeenkana ay u taagan yihiin 4 saxafi oo labo kamid ah ay yihiin dumar.
Murashixiinta ayaa haatan jeedinaya qudbadahooda ay kusoo bandhigayaan barnaamijkooda wax qabad, iyadoo kadibna lagudo galidoono doorashada.
Magacyada murashixiinta Gudoomiyaha.
Maxamed C/laahi Cali Kooshin. Radio Daljir
Axmed Muuse Cali Jookar. Royal Tv
Feysal Qaliif Barre Somali Channel.
Axmed Maxamed Deeq Somali Channel.
Gudoomiye ku xigeenka.
Maxamed Daahir Saalim.
Maxamed Maxamuud Welcome Radio Daljir.
Faadumo Yuusuf Taxadar Radio Daljir
Maymuun Cabdi Risaaq Qaliif Somali Channel.
Xoghayaha Guud.
Cabdi Qani Dhagjar.
Faadumo Maxamed Maxamuud.
Nasro Maxamed Maxamuud.
Halkaan ka daawo Sawiro hordhac ah.
Puntlandi.com – Garowe