(Pi Garowe) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ing, Cabdi Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa galabtay si rasmi ah xariga uga jaray warashada biyaha ee Jubba oo laga hirgaliyay magaalada Garowe.
Furitaanka warashadaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin badan oo katirsan golaha wasiirada iyo goalaha ee dowladda Puntland, maamulka degmada Garowe, culima’awdiin iyo ganacsato.
Warshadaan cusub ee Jubba ayaa bah-wadaag waxay la tahay warshada sifaysa biyaha Ee Alnaciim, taas oo ahayd shirkadii ugu horeysay xaga biyaha ee laga hirgaliyo gobolka Nugaal gaar ahaan Garowe sanadkii 1998 ,xilligaas oo lagu bilaabay iibka barafka iyo bixinta adeega Korantada.
Mubaarak Maxamuud Cawad oo ah mulkilaha warshadaan ayaa sheegay inay keeneen qalab cari ah oo loogu talo galay in bulshada looga haqab tiro xaga helitaanka biyo nadiif ah oo la isku halayn karo.
Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka hadlay furitaanka warshadaan ayaa soo dhaweeyay tilaabadaan cusub, waxayna ku booriyeen mulkilaha inuu sii balaariyo adeega ganacsigooda si loogawada faa’idaysto.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ing Cabdi Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa ugu hambalyeeyay maamulka warshadda biyaha ee Jubba dadaalka ay sameeyeen. Wuxuuna sheegay inay tahay arin ku dayasho mudan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Jubba inay meesha ka saaraan baahidii loo qabay biyo meel fog fog laga keeno oo uu sheegay in Puntland lagusoo galiyo qaab sharci darro.
Ing, Camey Wuxuu sheegay inay dowladda Puntland diyaar u tahay inay dhiiri galiso cid walba oo doonaysa inay dhulkeeda maalgashi ku sameysato. Wuxuuna intaas ku daray inay dowladdu xakamayndoonto waxyaabaha Puntland laga heli karo oo laga keeno meel kale.
Halkaan ka dhageyso madaxwyne ku xigeenka
Codka Mulkilaha Jubba
Daawo Sawiradda.
Puntlandicom- Garowe.